Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Runirgood

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Runirgood oo ay ku dagaalameen ururka Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan howlgallo.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inooo sheegay in xaalada hada ay tahay mid degan oo saakay wax dagaal ah uu san ka dhicin halkaasi.

Warar madax banaan oo Idaacadda Risaala heshay ayaa sheegaya in Al-shabaab ay isaga baxeen deegaanka Runirgood inkastoo wararkaas aan la xaqiijin karin.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgallo Al-shabaab looga saarayo Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Dhexe, waxaana howlagaladaasi ciidamada horkacaya taliyaha ciidanka xoogga dalka Maxamed Aadan Axmed.

Deegaanka Runirgood ayaa dhowaan waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab, waxaana dagaalkaas tirada ku dhimatay lagu sheegay 22 qof oo soo kala gaartay labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.