Iyadoo shalay wafdi ka socda beesha caalamka ay gaareen magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa la dhagax dhigay wajiga labaad dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.
Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, xoghayaha urur gobaleedka IGAD,wakiilka IGAD ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya, QM, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka soo qeyb galay munaasabad lagu shaacinayay dhismaha wajiga labaad ee garoonka, waxaana dhaqaalaha garoonka lagu dhisayo bixineysa dowladda Talyaaniga.
Wasiirka Duulista hawada iyo garoomada Puntland Xassan Cadde ayaa sheegay dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee garoonka oo la soo marsiiyay IGAD inay ku deeqday Talyaaniga, waxaana uu faah faahin ka bixiyay mashruucan iyo sida loo qorsheeyay.
Wasiirka Duulista hawada iyo garoomada dowladda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii munaasabada ka hadlay, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka Puntland gaartay.
Xoghayaha urur gobaleedka IGAD Maxmuum Macalin iyo wakiilkiisa u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo hadlay ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo horumarka Soomaaliya gaartay gaar ahaan Puntland.



