DHAGEYSO: Madaxweynaha Galmudug “way isku xiran yihiin amaanka Soomaaliya iyo Itoobiya”

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ka hadlay amaanka guud ee dalka, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga.

Waxa uu tusaale u soo qaatay in maamulkiisa Galmudug uu xuduud la wadaago dalka Itoobiya, isagoo sheegay amni daro kasta oo ka jirta Galmudug in ay saameyn ku yeelan karto dalka Itoobiya.

Waxaana uu ku taliyay in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan amniga iyo in hal dhinac looga soo wada jeesto falalka amni daro iyo ururka Al-shabaab.

Hadalkan ayaa madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed waxa uu ka sheegay xilli uu ku sugnaa deegaano ay gacanta ku hayaan dowlad deegaanka Soomaalida-Itoobiya, waxaana lagu xalinayay dagaalkii dhowaan ciidamo deegaanka ah iyo ciidanka Liyuu boolis ku dhex maray deegaanka Dac-dheer.