Arsenal Iyo Manchester City Oo Doonaya Idrissa Gueye
Arsenal Iyo Man City Ayaa Ku Soo Biiray Doonista loogu jiro Xidiga Qadka Dhaxe kaga Ciyaara Kooxda Everton Ee Idrissa Gueye oo 29-sano jir ah balse kooxda Toffees Lagu Naaneeso waxa ay sheegeen in ay sugi doonaan dalab kale oo kaga imaada Kooxda reer France ee Psg (Sky Sports)
Juventus Iyo Dortmound oo Ku Loolamaya Soo Qaadashada Christensen:
Kooxaha Ka kala Dhisan Horyaalada Italy Iyo Germany Ee Juventus Iyo Dortmound Ayaa Isku Diyaarinaya halka maalin ee suuqa ka harsan in soo qaataan da’yarka Chelsea Daafaca Kaga Ciyaara Christensen oo Kusiga keedka ka galay Safka Sarri (Sun)
Arsenal Oo Aan Weli Ka Harani Soo Qaadashada Peresic:
Kooxda Arsenal Ayaa Weli Raacdo ugu jirta qaabkii ay ku keeni lahaayeen Ivan Peresic oo ay doonayaan in ay soo qaataan maalmaha ka harsan suuqa kala Iibsiga balse Kooxda Inter ayaa sheegtay in uusan wax dalab ah weli soo gaarin ” majiro dalab na soo gaaray(Mail)
Arsenal Oo Doneysa Cahill:
Kooxda Kubada Cagta ee Arsenal Ayaa Xiiso U Qabta Soo Qaadashada Kabtanka Kooxda Chelsea Gary Cahill Oo 33-sano kasoo Kursiga Keedka ka Galay Kooxda Chelsea (Mirror)
Chelsea Oo Doneysa Ivan Rakitic:
Kooxda Kubada Cagte Ee Chelsea ayaa Isku Diyaarineysa Soo Qaadashada Ciyaariyahanka Qadka Dhaxe kaga Ciyaara Kooxda Barcelona Iyo Xulka Croatia Ivan Rakitic 30-sano jir ah kasoo ay u arkaan in uu kooxdooda caawin karo xagaaga ayayna soo qaadan Doonaan (Sport, via Express)
Manchester City Oo Dooneysa Ben Chilwell:
Kooxda uu Hogaamiyo Pep Guardiola Ee Man City Ayaa Diyaar Ah In Ay Soo Qaataan Daafaca kooxda Leicester Iyo Xulka Qaranka England ee Ben Chilwell oo 22-sano Jir ah Kasoo Ay Doonayaan Marki La Gaaro Xagaaga (ESPN)
Chelsea oo Iska Diiday Iibinta Callum Hudson-Odoi:
ka dib kulan dhexmaray Wakiilladiisa iyo Maareeyaha guud ee kooxda Chelsea Marina Granovskaia, 18 sanno jirka reer England Callum Hudson-Odoi ayaa ogolaaday inuu illaa xagaaga sii joogo Chelsea, Blues-na waa iska diiday dalabkii Bayern Munich ee ahaa 35ta milyan oo ginni.
Antonio Conte Oo Wada Hadal La Furay Inter Milan:
Tababare Antonio Conte ayaa wadaxaajood kula jira kooxda Inter Milan oo rabta inay layliye ka dhigato fasal ciyaareedka soo aadan, wuxuuna San Siro kula midoobi doonaa agaasimihii hore ee Juventus Beppe Marotta.
kooxaha England oo Doonaya Youri Tielemans:
Arsenal, Westham United, Newcastle United Iyo Tottenham Ayaa Weli Isku Heysta soo Qaadashada Wiilka reer Belgium Ninka lagu magacaabo Youri Tielemans (Star)



