FT: Man United oo si dirqi ah kaga badbaaday Burnley

Qeebti Hore Ee Ciyaarta waxaa lagu Kala Nastay 0-0 Oo LabDa Kooba waa iska Dhalin waayen Wax Gool Ah.

Qeebta Marki La Isku Soo Laabta ayay Labada Dhinac Ciyaar Xiiso Leh Soo Bandhigeen.

Daqiiqadii 51-aad Hogaanka Ciyaarta waxaa la wareegtay Kooxda Burnley Kadib Markii Uu Gool U Dhaliyay A. Barnes.

Daqiiqadii 81-aad ayay Hogaanka Dheereesteen Kooxda Burnley Markaas Oo Ay Ciyaarta ka Dhigeen 2-0 Waxaana Goolka U Dhaliyay C. Wood.

Kooxda United ayaa Sameesay Isku Dayo ay Ku Soo Kaban Karaan waxaana daqiiqadii 87-aad Gool U Soo Celiyaya Pogba Kasoo Rikoore ahaa.

wax walbo ayaa is badalay Daqiiqadihii Dheeriga ee Ciyaarta lagu daray waxaa ciyaarta Barbaro ka dhigay V. Lindelof.

Ciyaarta ayaa ku soo Idlaatay 2-2 Gool.