Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha golaha shacabka oo gaaray dalka Masar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gelinkii dambe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

 

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalaada Qaahira ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Dalka Masar Ilyaas Sheekh Cumar iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka dalka  Masar.

 

Gudooomie sheikh Aadaan Madoobe ayaa muddada uu joogayo  Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar kulamo kula qaadan doonna madaxda dalkaas, isaga oo kala haadli doonna  arimo badan eek u saabsan Xoojinta Xiriirka labada dal iyo Iskaashigaa ka dhexeeya.