Wafdi ka socda Dowladda oo ku wajahan Magalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay tagaan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Xubno kale.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada Dhuusamareeb lagu qaban doono shir looga hadlayo Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka,si sare loo qaado ogaalka bulshada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka iyo in ay aragti ku yeeshaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay shirar ku saabsan Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka ku qabatay Xarmaha Maamul Goboleedyada.