Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in tan iyo markii loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha maamulkaas uu wado qorsho ku aadan xalinta dadka kasoo horjeeday,isla markaana caqabadaha qaar laga gudbey.
Waxaa uu sheegay in Cid walba uu isku dayay in uu ka xaliyo tabashada ay qabtay,hayeeshee si kasta ha noqotee haatan taasi laga gudbay,waxaana uu sheegay in Galmudug waa Cusub uu u baryay.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka Reer Galmudug looga baahan yahay inaysan dheg jalaq u siin dad uu sheegay inay ku mashquulayaan siyaadda Galmudug.



