Ururka SOMA oo si kulul u cambaareeyay xiritaanka Radio Daljir

Muqdisho-RisaalaFM- Ururka Somali Media Association ee (SOMA) ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen xiritaanka xarumaha Radio Daljir ee deegaanada Puntland.

Radio Daljir ayaa waxa ay xubin ka tahay Ururka Somali Media Association ee (SOMA) oo ay ku mideysan yihiin 38 Idaacadood.

SOMA ayaa waxa ay ku baaqday in si deg deg ah xayiraada looga qaado Radio Daljir si ay u sii wado shaqadii muhiimka ahayd ee ay u heysay bulshada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xogeyaha guud ee SOMA oo uu ku saxiixnaa Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa lagu cambaareeyey xiritaanka Radio Daljir sidoo kalena Mas’uuliyiinta Puntland looga codsaday in ay xayiraada ka qaadaan Radio Daljir si shuruud la’aan ah.

Warsaxaafadeedka ayaa Dowladda Soomaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay inay arintaan soo fara geliyaan oo ay cadaadis saaraan Maamulka Puntland.

Ciidamada hawada ka saaray Xarumaha Radio Daljir ee deegaanada Puntland ayaa la sheegay in ay ka amar qaataan Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Soo-Cadde.

Sababta loo xiray Radio Daljir ayaa lagu sheegay in ay wareysi ka qaadeen Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Galan oo ka gadoodsan siyaasada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Radio Daljir ayaa waxa ay maalinkii Labaad u xiran tahay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.