Shirka Madasha Qaran oo maalinta beri ah la soo gaba gabeyn doono

Beydhabo-RisaalaFM- Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa maalinta beri ah la filayaa in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shirkan ayaa maalinkii 3-aad ka socda magaalada Beydhabo waxaana looga hadlayaa Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacaan, arimaha amaanka, Isbedelka Dastuurka, Qoondada Haweenka dowladda la dhisayo ay ku leeyihiin iyo arimo kale.

Gaba gabada shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah, iyadoo Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ay si weyn uga hadleen arimaha Doorashooyinka, Qorshaha Amniga Qaranka, waxaana ay isla ogolaadeen arrimo fara badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in aysan markale dhici doonin kala aragti duwanaansho iyo khilaaf soo kala dhexgala Madaxda dowladda.

Shirkan Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya sida Magaalada Muqdisho, Garoowe, iyo Kismaayo.