Dowladda Kenya ayaa ka hadashay saddex doomood oo lagu qabtay gobolka Lamu ee dalka Kenya.
Doomaha ay dowladda Kenya qabtay ayaa la sheegaya in mid ka mid ah ay ka timid dalka Soomaaliya halka kuwa kalena laga leeyahay dalka Yamen.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay doonyaha la xiray ay si sharci daro ah ay kusoo galeen biyaha Kenya ayna diyaar u tahay dowladda Kenya in ay sharciga la tiigsato madam aysan ka diwaan gashanayn dalka Kenya .
Gudoomiyaha gobolka Lamu Joseph Kanyiri oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ee gobolka Lamu gaar ahaan kuwa badda ay gacanta kusoo dhigeen 3 doomood kuwaasoo sharci daro kusoo galay biyaha dalka Kenya mid ka mid ah doomahaasna laga leeyahay dalka Soomaaliya.
“Saraakiisha ammaanka ee badda Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay 3 doomood oo sharci daro ku maraayey xeebaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Lamu,marka waxaan diyaar u nahay inaan sharciga la tiigsano hadii aanahay dowladda Kenya ,waxaad kaloo ogaataan in aysan ka diwaan gashanayn dowladda Kenya doomahaas oo laga kala leeyahay dalalka Soomaaliya iyo Yamen “sidaas waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Lamu Joseph Kanyiri.
Saraakiisha ammaanka ee Lamu ayaa sheegay in ciidanka Badda heegan buuxa la geliyay si ay gacanta ugu kusoo dhigaan doomaha sharci darada ah ee laga leeyahay dalalka Soomaaliya iyo Yamen ee ku sugan biyaha Kenya.


