Muqdisho-RisaalaFM- Xafiiska Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka walaacsan xirista Radio Daljir oo 23-kii Bishan ay xirtay wasaaradda warfaafinta Puntland.
Arintan oo ah mid toos uga hor’imaaneysa xorriyatul-qowlka ayey kula dardaarmeen Puntland in ay xurmeyso Mas’uuliyadda ka saaran taageerada ay wadaagaan ee saxaafadda xorta ah, oo si deg deg ah dib loo furo Raido Daljir.
Xorriyatul-qowlka, ayaa ah xuquuq guud oo aadanahu leeyahay sida ku xusan qodobka 19-aad ee xuquuqda aadanaha iyo sida uu qabo qodobka 18-aad ee Dastuurka Soomaaliya.
Xorriyadan waxa ay muhiim u tahay bulsho madaxbanaan iyo hab doorasho oo nadiif ah.
Mareykanka ayaa soo dhaweynaya wariyeyaasha Soomaaliyeed oo maalin kasta ku jira qatar xun oo soo wajahda naftooda, si ay u difaacaan xuquuq aan la badali karin, iyagoo u taagan dadka Soomaaliyeed.


