UNHCR oo ka walaacsan go’aankii ay Kenya ka gaartay Qaxootiga

Kenya-RisaalaFM- Hey`adda UNHCR oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga aduunka ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in ay sii wado martigelinta Qaxootiga ku sugan xeryaha dalkeeda oo ay sheegtay in ay albaabada isugu dhufan doonto xerooyinka qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma.

UNHCR ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay Go`aanka kenya ee Qaxootiga laga saarayo Dalkeeda, iyada oo ka digtay in arrintaasi ay ka dhalan karto dhibaato bani`aadamnimo oo soo wajahda dadka Qaxootiga ah.

Warsaxaafadeed ay soo saartay UNHCR ayaa lagu sheegay in samatabixinta dadka ku nool xeryaha Qaxootiga Kenya ee u kala dhashay Soomaaliya iyo Suudaanta Kuufureed, ay tahay mid muhiim ah.

Hey`ada ayaa uga mahadcelisay Kenya doorkeedii hore oo ay Boqolaalka kun ruux ku marti galinaysay dalkeeda.