Maxay ka wada hadleen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Faroole ?

Jabuuti-RisaalaFM- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ku kulmay magaalada ee xarunta dalka Jabuuti ayaa waxaa la sheegay in ay ka wada hadleen arimo la xiriira doorashada sanadkan dalka ka dhaceysa.

Labadan mas’uul ayaa waxa ay Labaduba doonayaan in ay u tartamaan Hogaanka ugu sareeya Soomaaliya.

Ilo ku dhaw dhaw wada hadalada Labada dhinac ayaa sheegaya in ay si toos ah uga wada hadleen arrimaha doorashada ku saabsan.

Waxaa la sheegay Labada madaxweyne in ay isla soo qaadeen arimo ay ka mid yihiin In ay siyaasiinta Soomaalida ee hadda xilalka haysa yeeshaan saameynta ugu badan.

Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa la sheegay in kulankoodan uu yahay mid saameyn siyaasadeed yeelan kara.