
Kenya-RisaalaFM- Guddiga doorashada Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha Kenya uu ku guulaystay madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Uhuru, Uhuru ayaa mal labaad dib loogu doortay inuu madxweyne ka noqdo Kenya 5 sano ee soo socota.
guddiga doorashada oo laga sugaayey inay ku dhawaaqaan natiijada ayaa caawa 10:20PM ku dhawaaqay natiijada oo noqotay a n mar labaad dib loo doortay mr Kenyatta iyo Ku xigeenkata Ruttu.
Uhuru Oo khudbad ka jeediyey goobta Natiijada lagu soo bandhigay ee IEBC ayaa u mahadceliyey dhamaan Shacabka Kenya iyo Guddiga doorashada oo dadaal ku badan bixiyey hanaanka ay u dhacday doorashada.
doorashada ayaa waxaa ku loolamay hogaamiyaha Mucaarad Kenya ee Xizbiga NASA Raila Odinga iyo Uhuru Kenyatta oo u tartamayey Xizbiga Jubulee , waxaana guushu raacday madxweyne Uhuru.
Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.
Mr. Kenyatta, oo ka soo jeeda qowmiyadda Kikuyu, iyo mucaaradkisii hore William Ruto oo ka soo jeeda qowmiyadda Kalenjin ayaa lagu eedeeyay inay huriyeen rabshado u dhexeeyay labada qowmiyadood.Dacwadahan waxay la xiriiraan rabshadihii dhacay doorashada kadib 2007-dii kuwaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, boqolaal kun oo qofna ay guryahooda ka carareen. Waxaa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC.








