Trump oo mar kale ku hanjabay inuu Iran si xooggan u weerari doono

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Iran, isaga oo khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax olole siyaasadeed.

 

Waxa uu sheegay in sababta keliya ee aan weli loo soo afjarin dagaalka Iran ay tahay inuu doonayo in uu ka fogaado dhimashada dad badan.

 

Waxa uu yiri: “Sababta keliya ee aynaan weli Iran u soo afjarin waa inaan doonayo inaan si dabacsan ula dhaqmo. Haddii ay suurtagal tahay, waxaan rabaa inaan dadka ka badbaadiyo dhimashada. Laakiin ugu dambayn waxaa imanaysa xilli ay khasab tahay inaan si xooggan u garaacno.”

 

Hadalka Trump ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dib loo bilaabo wada-hadallada Tehran iyo Washington, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayso Qatar.

 

Dadaalladan ayaa daba socda warqad uu madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, u diray Mohsen Rezaei.

 

Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran ayaa ka mid ah arrimaha waaweyn ee saamaynta ku yeelanaya doorashooyinka xilliga dhexe ee Aqalka Kongareeska Mareykanka, kuwaas oo bilaabanaya wax ka yar 48 saacadood gudahood.

 

Natiijada doorashooyinkan ayaa saamayn degdeg ah ku yeelan karta siyaasadda iyo tallaabooyinka maamulka Madaxweyne Trump