Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu damacsanyahay in la faafiyo kumanaan dukumenti oo sir ahaa oo ku saabsan dilka madaxweynehii hore ee Maraykanka John F Kennedy oo muddo nus qari iyo dheeraada ka hor lagu toogtay magaalada Dallas.
Fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray ayuu Trump ku sheegay in uu fasaxi doono in la faafiyo qoraaladda ku saabsan arintan iyo baadhitaanadii la sameeyey ba, wuxuu se intaa ku daray waa hadii uu xog dheeraada helo oo uu ku go’aan qaadan karo
Taariikhyahannada iyo dadka kale ee wax ka qora shirqoollada ee weli ka haddla dilkii madaxweyne Kennedy tan iyo markii uu toogashada ku dilay Lee Harvey Oswald 1963, ayaad moodaa in ay haatan heleen hadal cusub oo ay dib uga doodaan.
Saraakiisha dawladda Maraykanka qaarkeed ayaa laakiin diidan in la faafiyo qoraaladaa waxayna doodooda sabab uga dhigayaan in ay halis ku yihiin nabad gelyada qaranka.
Laakiin madaxweyne Trump ayaa fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray aad moodda in uu doodda ay qabaan saraakiishaasi ganafka ku dhuftay.



