Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala magaalada Muqdisho weli waxaa ka socda Barnaamij aan ugu magac darnay “Gurmad”, kaasi oo soo bilowday 17-kii bishan October Maalin Talaado ah, si aan uga qeyb qaadano gargaarka loo fidinayo dadkii ay musiibadu ku qabsatay Isgoyska Zoobe.
Barnaamijkan oo galabkii si toos ah uga baxa Raadiyaha, socdana mudo saacad ah, ayaa waxaa lagu uruuriyay ilaa hadda dhaqaale aan is leenahay waad ku caawin kartaan walaalihiina qaar ee dhibaateysan, taasi oo ay soo direen dhageystayaasha ku xiran Radio Risaala FM 102.2-Mhz iyo Internetka Risaala.net, ee ku kala sugan dal iyo dibadba.
Barnaamijkaan ayaa galay maalintii Lixaad.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi oo bilowgii Barnaamijkan hadlay ayaa yiri “Risaala waxaa looga bartay Barnaamijyada dadka loogu gurmanayo ee nuucaan oo kale ah, marka ay u baahan yihiin garab istaaga, Maamulka iyo shaqaalaha Risaala waxaa ka go’an in ay u shaqeeyaan ayna gacan qabtaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwu u baahan garabka.”
Dhageystayaasha Risaala ayaa ku tartamaya Taageerada ay siinayaan walaalahooda xilligan u baahan garabka, maadaama Qaraxii Zoobe uu ahaa mid xoogan oo waxyeeleeyay Haween, Caruur iyo Ciroole.
Idaacadda Risaala ayaa aad uga qeyb qaadata Barnaamijyada dadka loogu gurmado laga soo bilaabo 2011-kii xilligaasi oo Abaaro daran ay dalka ka jireen, iyada oo sidoo kale Ramadaankii ina dhaafay sameysay Barnaamij loogu magac daray (Afuri walaalkaaga oo hel laba Ajar), kaasi oo lagu afuriyay dad badan, sidoo kalena lagu ciidsiiyay caruur barakacayaal ah oo boqolaal gaaraya.
Qofkii doonaya in uu gurmadkan ka qeyb qaato wuxuu tabarucaadiisa ku soo hagaajin karaa telefoonka 252618003111 oo Barnaamijka u gaar ah.


