Trump oo ballanqaaday in $5,000 la siin doono qofkasta haddii Jamhuurigu ku guuleysto labada aqal ee Congress-ka

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu $5,000 siin doono qof kasta oo qaangaar ah oo muwaadin Maraykan ah, haddii xisbiga Jamhuuriga uu ku guuleysto labada aqal ee Congress-ka doorashooyinka dhexe ee bisha November.

Lama oga halka ay lacagtaasi ka iman doonto iyo in bixinta lacagta noocaas ah ay sharci ahaan suurtagal tahay.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay shirkii ugu horreeyay ee xisbiga Jamhuurigu qabto oo loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka dhexe, isaga oo taageerayaashiisa ku boorrinayay inay si xooggan uga qayb qaataan doorashooyinka muhiimka ah ee soo socda.

Inkasta oo heerka taageerada shakhsiyeed ee Trump uu hoos u dhacayo, madaxweynaha ayaa dadka shirka ka qaybgalay ugu baaqay inay doorashooyinka dhexe u codeeyaan “sida isaga laftiisa uu codbixinta ugu tartamayo.”