Tirada dadkii ku dhintay India oo korartay.

Qarax xoogan oo ka dhashay dabka ayaa aroornimadii hore ee saaka abaare 3-di Subaxnimo laga maqlay goobta macbadka ah oo ay ku sugnaayeen kumanaan ruux.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab xoogan oo saaka ka kacay goob lagu cibaadeysto oo ku taalla dalka India.

Dabkaan ayaa mar qura hareeyay macbadkaasi oo ku yaalla magaalo xeebeedka Paravur ee gobolka Kerala, kadib markii xaruntaas ku dhacday dhimbil dab ah oo kasoo duushay bulaleyrka loo isticmaalayay dabaaldaga fantasyaha Diimeed ee halkaasi ka socday.

.