Shirka Madasha Qaran oo Furmay.

Waxaa manta si rasmi ah u furmay shirka madasha Wadatashiga  Qaran ee madexda  Soomaliyeed ay uga hadlayaan doorashada 2016 ka dhacaysa Soomaaliya marka la gaaro  September  sanadkaan.

Madexda  dowlad goboleeyada ayaa goobta jooga sida Puntland,Galmudug, koofurgalbeed, Jubland iyo sidoo kale ergooyin matalayaa gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Shirka waxaa furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud,waxaa kale oo ku sugan R.wasaare Cumar Cabdirashid,ku xigeenkiisa ,waxaana shirkii ugu dambeyey ee go’aan looga gaaraayo doorashada Soomaaliya.