Tartanka Qur’aan Akhriska Risaala oo la soo gaba gabeeyay

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala lagu soo gaba gabeeyay Tartanka Qur’aan Akhriska Wiilasha iyo Gabdhaha oo sanadkii 7-aad Idaacadda Risaala ay qabaneyso.

Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha ayaa waxaa sanadkan Taaba galinayay oo abaal marino qaali ah ku bixinaya gaba gabadiisa Waberi Jumbo Companay iyo sidoo kale Imnu Qayim Aljowsi.

Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in xarunta Idaacadda lagu qabto Munaasabad weyn oo ay ardaydii kaalimaha hore ka galay Abaalmarin lagu guddoonsiin doono.

Tartankaan ayaa loogu tala galay lagu dhiirigaliyo Ardayda Soomaaliyeed ee xifdisan Qur’aanka Kariimka ah.

Saddexda Arday ee Gabdhaha ee wareegga ugu dambeyay isku soo haray ayaa maalinta Berri ah waxaa loo qaban doona Munaasabad lagu shaacinaayo cidda Koowaad, Labaad iyo Saddexaad gashay.