Muqdisho-RisaalaFM- Xarunta Dhexe ee Idaacadda Risaala maanta waxaa si rasmi ah uga furmay Barnamijka Tartanka Qur’aan Akhriska Jiilu Risaala, kaasi oo sanad walba ay Idaacadda qabato.
Shirkadda Ibnu Qayim Al-Jowzi ayaa abaalmarino qaali ah gudoonsiineysa Ardada kaalmaha hore ka gala Tartankan Qur’aan Akhriska Jiilu Risaala.
Ardada ka qeyb qaadaneysa ayaa waxa ay ku tartamayaan Halka Juz ee ugu hooseeya Qur’aanka Kariimka, waxaana la qabtaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.
Maanta Tartankan waxaa ka qeyb qaatay Ardayda kala ah:-
1.Haashim C/laahi Aadan
2. C/samad Isxaaq Xasan
3.Yaxye Xasan Ibraahim
4.Mowliid Xasan Cabdulle
5.Sumayo Macalin Xuseen.








