Taliye ka tirsan booliska Soomaaliland oo la dilay

Taliyaha booliiska Soomaaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in koox burcad ah oo hubeysan ay dileen taliye Cabdirisaaq Yuusuf

Taliyihii booliiska Soomaaliland ee gobolka Saaxil ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay gobolkaas, sida uu xaqiijiyey Taliyaha booliiska Soomaaliland Sareeye guuto Cabdullahi Fadal Iimaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka gobolka Saaxil iyo dad mudaaharaad sameynayey ay isku dhaceen, islamarkaana taliyaha uu ku geeriyooday isku dhacaas.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada booliiska oo howl-gal amni ka waday meel buuraley ah oo u dhow deegaanka Biyoole ay soo weerareen koox hubeysan, halkaasna ay ku dileen.

Dhacdadan ayaa illaa iyo hadda aan laga hayn wax faahfaahinno ah oo intaas dheer.