Dhaawacyada ciyaartoyda Manchester united oo cirka sii galaya

Donald Love ayaa ku biiray Manchester United liiska ciyaartoyda ku maqanm dhawacyada mudada dheer ah ka dib markii dhaawac uu ka soo gaaray kulankii isniinta ee United U21.

Daafaca, 21 jirka ah, ayaa saftay kulankii 2-1 Manchester United guldarad ah ay kasoo gaartay Midtjylland Europa League, waxaana soo gaaray dhaawac muruqa ah kulankii 2-1 kaga badiyeen Middlesbrough.

Macalinka Louis van Gaal, ayaa hadda wajahaya dhawacyo tiro badan, kani waa dhawacii 17-aad ee kooxda Manchester United soo gaara xili ciyaaredkan.

Manchester ayaa hadda waxaa dhawac kaga maqan Love, Matteo Darmian, Phil Jones, Ashley Young, Antonio Valencia, Luke Shaw, Cameron Borthwick-Jackson, Wayne Rooney, Sam Johnstone, Chris Smalling, Axel Tuanzebe, Marcos Rojo, Sean Goss, Marouane Fellaini, Bastian Schweinsteiger , Will Keane iyo Anthony Martial.