Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray degaanka Biya-cadde

Taliyaha Ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/ sare Dayax cabdi Cabdulle ayaa gaaray degaanka  Biyacadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka socdo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan guutada 4aad ururka 12 aad qaybta 27-aad ee CXDS oo fadhigodu yahay degaanka biya cadde ayaa ku soo dhaweeyay halkaas,  iyaga oo uga warbixiyay xaaladda amni ee degaanka iyo Shaqada huffan ee ay u haayaan Shacabka ku dhaqan ddegaanka  iyo deegaanada ku teedsan .

Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay howsha xariirta ah ee ay haayaan shacabka isagoo kula dar daarmay ineey sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan suggidda amniga .

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed  G/ sare dayax cabdi cabddulle ayaa inta uu ku sugan yahay degaanka biya cadde booqan doona fariisimaha ciidamada deegaanka ay ku lee yihiin biya cadde.