Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo Bandhigey Xubin la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo Magaciisa Afgarashadiisu ay tahay(Lagooye), kaas oo isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan ayaa la sheegay  uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada,isaga oo ka tirsanaa Al-Shabaab muddo saddex sano ah, isla markaana uu ka qeyb qaatay  dagaalo dhowr ka dhacay degaano katirsan Gobolka Baay.

Cabdiraxmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sababta uu iskus oo dhiibay waxaa uu ku sheegay inay jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ay ku ayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in Xubnaha kale eek u harsan inay isaga soo baxaan.

Saraakiisha Ciidamada qeybta 60aad ayaa dhankooda soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo isku soo dhiibay, iyaga oo sheegay in weli Xubnaha ku harsan Al-Shabaab fursad u heystaan inay isku soo dhiibaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60aad waxaa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee iskus oo dhiibaya.