Tababaraha reer Holland ee leyliya Manchester United ayaa la hadlay ciyaartoydiisa ka hor kulanka Manchester Derby ee berito ka dhici doona Etihad Stadium.
Kooxda kaalinta Lixaad ee Horyaalka ayaa laga soo ciribtiray koobka Europa League isbuucii hore dhamaadkiisa waxaana daaqada ka tuuray Liverpool, Van Gaal ayaana ciyaartiisa u sheegay iney iska iloobaan Champions League hadii ay guuldaro kala kulmaan Manchester City.
Dhanka kale tababare Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu dhameysto sadexdiisa sano isagoo diyaar u ah inuu sanadkiisa sadexaad ee qandaraaska uga haray si qurux badan u dhameysto walow la hadal hayo in lagu badali doono Mourinho marka uu xagaagan dhameysto.
Ugu dambeyntiina Van Gaal ayaa kooxdiisa u rajeynaya iney ku dhameysato kaalinta sadexaad ee horyaalka xagaagan waase hadii ay dubtaan Manchester City kulanka berito dhexmari doona.


