Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacay deegaano ka tirsan maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaanada Punland uu san ka duwaneyn dagaaladii ay horay dowladda kula gashay gobolada kale ee dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha in AL-Shabaab aysan lahayn Saaxiib joogto isla markaana ay dagaalo hor leh ay ka bilaabeen deeganada Puntland.
Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka, kuwa Maamul goboleedyada iyo shacabka soomaaliyeed looga baahan yahay in Al-Shabaab ay meel uga soo wada jeestaan.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu maanta magaalada Muqdisho ku soo xeray shirka Madasha Wadatashiga ee ku saabsanaa hanaanka loo marayo dhismaha dowladaha Hoose.


