Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.
Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.
Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed
“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.”
Souef waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ay ogolaadeen inay ciidamada Soomaaliya ugu deeqi doonaan qalab, baabuur iyo qoryo marka ay dalka ka baxaan bisha December ee 2024.
Waxa uu xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah. “Si rasmi ah ayaa dib loogu dhigay saddex bil.”
Mar la weydiiyey haddii dowladda Soomaaliya ay yareysaneyso xaddiga la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, Souef waxa uu sheegay inuu jiro “rabitaan siyaasadeed” oo ay Soomaaliya mas’uuliyadda amniga ugala wareegsyo ATMIS.
“Waxa uu ugu muhiimsan waa rabitaan siyaasadeed,” ayuu yiri.
“Rabitaanka siyaasadeed waa jiraa, Soomaalida na ma doonayaan in waligood la caawiyo. Waxay doonayaan inay qaataan milkiyadda. Aad ayey u dadaalayaan.”
Arbacadii, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa soo dhoweeyey hakinta bixitaanka ciidamada ATMIS, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in dowladda ay bilaha soo socda heli doonto ciidamo ku filan oo ay kula wareegto mas’uuliyadda.



