Howlgal ka socda Ciid Ciidka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ku biiray

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay halka loo yaqaano Ciid Ciidka oo u dhow deegaanka cali fool dheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminyaay taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayay Ciidanku ku baaraayeen howdkii ay ka saareen Al-Shabaab , iyadoo halkaasi ay ciidanku ka soo saareen miinooyin ay ku Aaseen.

Dhulka Howdka ah ee Ciid Ciidka degmada Mahadaay ayaa muddo todobaadyo ah waxaa isku hor-fadhiyay Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo kaashanayay kuwa degaanka ee Macawiisleyda ah.

Howlgalka ayaa weli socda waxayna saraakiisha hoggaamniyasa howlgalka oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidanka dhulka G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle u xaqiijiyeen warbaahinta ciidamada qalabka sida ineey weli socoto baarista lana baadigoobayo haraadiga waxyaabaha qarxa oo ay Al-Shabaab ku aaseen dhulka howdka ah .