SUUQA: Kooxad Leicester City Oo Badalka Jamie Vardy Ka Heshay Premier League

Kooxda Leicester City  ayaa dalab ka gudbisay Weeraryahanka xulka qaranka England iyo kooxda Watford Troy Deeney, sida laga soo xigtay Daily Telegraph.

Wararka hada soo baxaya ayaa sheegayo in kooxda haysata Horyaalka Premier League ay dooneyso inay la soo wareegto weraryahanka Troy Deeney xitaa hadii uu Jamie Vardy u dhaqaaqin koxda aadka ugu dhow ee arsenal .

Troy Deeney ayaa dhaliyay 13 goal  oo premier league ah xagaagan waxana xidigaan lagu qiimeeyay  lacag dhan  £15 million.

Jamie Vardy ayaa la filayaa inuu dhameystiro heshiiska uu ugu biiraayo arsenal ka hore Euro 2016 lkn kooxda Leicester city  ayaa dooneyso in xidigan uu sii joogo kooxda xili ciyaaredka danbe iyadoona la sheegay inuu diyaar u yahay in kooxda uu heshiis cusub u saxiixo.