Saddex ruux ayaa ku dhintay dad kalena waa la la’yahay kaddib markii duufaano dhacay ay sababeen in ay fatahaan wabiyo, geeduhu ay go,aan ayna xaaqeen buundooyin ku yaala xeebta bari ee dalka Australia.
Duufaanta ayaa wali ka dhacaysa koonfurta New South Wales, Victoria iyo Tasmania.
Roobab mahiigaano ah oo ka da’aya koonfurta ayaa kusii socda dhanka Queensland.
Dhul wayn oo go’ay ayaa fatahay, bulshada xeebta dagan ayay saamaynta u badan ku yeesheen dhibaatooyinka dhacaya.


