Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Saddex oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iiraan waxaana la qabtay Askartaan la xiray xilli ay kusoo dhowaadeen biyaha dalka Sacuudiga gaar ahaan ceelka saliida ee Marjan.
Sacuudiga waxaa uu intaasi raaciyay in raggan la qabtay ay damacsanaayeen inay falal xun ka gaystaan Sacuudiga.
Waxayna wateen doon la sheegay inay ku soo dhowaatay ceelka shidaalka ee Marjan,
Waxaa sidoo kale baxsatay doon kale oo la sheegay inay la socotay midan la qabtay.Balse dowladda Iiraan ayaa sheegaysay in doomahan la qabtay ay ahaayeen kuwo kaluumaysi ah.
Waxaa jirra khilaaf xoogan oo u dhaxeeya labadan dowladood ee Iiraan Sacuudiga.



