DHAGEYSO: Sarkaal isku dhiibay Ciidamada dowladda

Wararka naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan uu isku dhiibay Sargaal ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Xuseen Maxamed Cali ayaa Risaala u sheegay ninka isasoo dhiibay in uu watay hub.

Waxaa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo Magaca Sarkaalka laakiin waxaa uu sheegay in ay u gudbin doonaan Magaalada Baydhabo.

Maamulka degmada Buurhakaba ayaa waxa ay xuseen in ninkaan uu lasoo xariiray ka dibna uu yimid degmada.