Wafdi ka socda QM oo booqday Hobyo

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayaa booqday Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Fahad, Wafdigaan ayaa u jeedkooda waxaa uu ahaa sidii Qaramada Midoobey ay uga qeyb qaadan laheyd Ammaanka degmada Hobyo.

Waxaa uu sheegay in ay booqdeen Garoonka iyo sidoo kale Dekedda degmada Hobyo ,islamarkaana ay ballan qaadeen in Xafiisyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka furan doonaan Hobyo.

Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sanadyadii lasoo dhaafay gaartay Horumar aad u ballaran , waxaana Magaaladaasi lagu waddaa in dhawaan laga bilaabo dhismaha Deked Caalami ah.