Wasiirka wasaarada xanaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Gaafaadhi ayaa waxaa uu cadeeyey in markab Somaliland xoolo nool ka qaadey afar cisho ka hor uu ku xayiran yahay Dekada Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.
Somaliland ayaa sheegay in tilaabaddan ay timid kadib markii dawlada Somaliya ay cabasho ka gudbisay isla markaana Dekada Berbera ka shiraacdey oo ay Somaliya dooneyso in ogolaansho ay iyadu bixiso xoolaha Soomaaliya ku dhoofaan
Wasiirka ayaa ku hanjabey hadii arintaasi xal loo waayo in ay Somaliland raadsan doonto suuqyo kale oo ay xoolaheeda u dhoofiso
Wasiirka ayaa sheegay in Shacabka Somaliland uu soo gaaray dhaawac weyn oo dhanka Ganacsiga ah,islamarkaana Xukuumada ay la imaan doonto Isbedel weyn.



