Soomaalida kunool Canada ayaa sheegay in aysan jirin is dhaxgal ka dhaxeeya jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaas iyo laamaha ammaanka dalka Canada.
Sanadyadii la soo dhaafay dalka Canada ayaa lagu dilay kudhawaad 100 qof oo Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan waxana dilkaas geystay kooxo gaangastaraa.
Hogaamiyaasha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada ayaa waddo dadaal xoogan oo ku aadan booliiska iyo sidoo kale kooxaha waddo baaritaan in lagu daro dhalinyaro Soomaaliyeed si loo ogaado xaqiiqda dhabtaa ee ka dambeysa dilalka ka dhacaya dalkaas.
Horay laamaha ammaanka dalkaas ayaa ku eedeeyay waalidiinta Soomaaliyeed ee kunool Canada in aysan la socon dhaqdhaqaalaha caruurtooda taasina ay sababtay in ay noqdaaan qaarkood kuwa dhibaato ku haya bulshada kunool magaalooyinka kala duwan ee dalkaas Canada.
Koox fadhigoodu yahay Toronto ayaa sheegay in Soomaalida ay dhibaateeyaan bulshada kale ee kunool Canada kana Soo jeeda wadamada kale aduunka marar badan maxkamad ay kasoo hor muuqdeen.
Si kastanba ahaatee waxa jira kulamo badan iyo baaritaano wali lagu haya shaqsiyaad lagu tuhmaayo in ay ka dambeyeen dilal loo gesytay Soomaalida kunool Canada.


