DHAGEYSO: kulankii baarlamaanka oo buuq iyo sawaxan ku soo dhamaaday

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo ka hadlaya Mooshinka laga soo gudbiyay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh.dhexe

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlaayey mooshin dhawaan ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay kasoo gudbiyey shirka maamul u sameynta hiiraan iyo shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Jaylaani Nuur ayaa sheegay mudanayaasha ay u codeeyaan.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan ka dib markii mudanayaal ka tirsan ay diideen in ay aamusaan.

Mudanayaasha ayaa ku doodaya in ay haboontahay in loo madax baneeyo siyaasiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolada hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.