Sky Sports ayaa ogaatay in labo macalin midkood uu Arsene Wenger shaqada Arsenal ka badali doono marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.
Max Allegri ama Luis Enrique ayaa Arsenal qaban doono sida Sky Sports ogaatay waana labada macalin ee haatan isugu soo hareen loolanka loogu jiro hogaaminta Gunners-ka.
Arsene Wenger ayaa soo idleen doono 22-sano uu hogaanka Arsenal haayay waxaana loo sameeyay sagootin heer sare ah kulankii ugu dambeeyay Arsenal 5-0 ku xaaqday Burnley.
Allegri ayaa Juve weydiistay in la iska fasaxo marka uu xili cayaareedkan soo idlaaday asigoo bartay luqada Ingiriiska diyaarna u ah inuu Premier League ka hawl galo.
Sidoo kale Luis Allegri waa shaqo la’aan tan iyo markii uu xili cayaareedkii hore Barcelona ka tagay wuxuuna wada hadalo haatan gabo gabo ku dhow kula jiraa Arsenal.
Sky Sports ayaa sheegtay in dhawaan Arsenal ku dhawaaqi doonto hogaanka kooxda in lagu wareejiyay Allegri ama Enrique madaama labadaan macalin haatan midkood maamulka Gunners dooran doonaan.



