Kooxda kubadda cagta Lazio ayaa lagu soo waramayaa iney suuqa dhigeyso xidigeeda reer Serbia Sergej Milinkovic-Savic kaas oo ay doonayaan kooxo badan oo qaaradda yurub ah, kadib markii uu qaab ciyaareed aan caadi aheyn soo dhigay.
Corriere dello Sport ayaa shaaca ka qaaday in Lazio ay dooneyso 23-jirkaan heerka caalami ee reer Serbia iney ku beeciso lacag ka badan 100 Malyan oo Pound.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha Man United & Man City ay si wacan u doonayaan xidigaan, balse ay dhibaato ku noqon karto lacagaha badan oo madaxiisa la duldhigay.



