SAWIRRO: Abaalmarinta Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha Idaacadda Risaala oo la bixiyay

Waxaa Saaka Xarunta Idaacadda Risaala lagu qabtay Xafladda Abaalmarinta tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha ee Idaacadda Risaala oo xarunta Risaala ka bilowday Horaantii Bishaan Ramadaan , shalayna lasoo gabagabeeyay.

Tartankaan oo ah Mid Idaacaddu ay qabato Bisha Ramadaan Sanadkaste waxaa ku tartama gabdhaha Soomaaliyeed ee Qur’aanka Xifdisan.

Gabdhaha ayaa waxa ay ku tartamaayeen 30-ka Jus ee Qur’aanka.

Saddexda Gabdhood ee tartanka ka galay Kaalimaha hore ayaa waxaa la siiyay Abaalmarino lacageed oo ay ugu tala gashay Shirkadda Waaberi Jumbo oo taaba gelinaysay Tartanka Qur’aanka Akhriska Gabdhaha ee Risaala.

Magacyadda Saddexda Gabdhood ee galay Kaalimaha Koowaad, Labaad iyo Saddexaad.

1.Hidaayo Sheekh Cali Maxamuud Kaalinta Koowaad waxaa la siiyay lacag dhan 400 oo Doollar.

2.Faaiso Cusmaan Axmed Kaalinta Labaad waxaa la siiyay lacag dhan 300 oo Doollar

3.Deeqo Nuur Xasan Kaalinta Saddexaad waxaa la siiyay lacag dhan 200 oo Doollar

Agaasimaha guud ee Idaacadda Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi oo Munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in idaacadda Risaala ay ku dadaaleyso tartamaddaan oo kale si loo dhiirageliyo Gabdhaha Soomaaliyeed ee waxbartay.

Maamule ku xigeenka Shirkadda Waaberi Jumbo Sakariye Sheekh Daahir ayaa dhankiisa u mahadceliyay Idaacadda Risaala , isagoona sheegay in Shirkadda ay sii wadi doonto taabagelinta Tartamada Qur’aanka Gabdhaha ee Risaala.

Idaacadda Risaala ayaa ku caanbaxday Tartamada Qur’aanka iyo sidoo kale kuwa Maadiga ah, waxaana Idaacadda Abaalmarinta dadka guuleysta ay bixisaa Ciida ka hor si ay ugu ciideystaan.