DHAGEYSO: Dhaawacyo laga qaaday Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka qaaday dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Dadkaan ayaa waxa ay ku dhaawacmeen Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in xaaladooda Caafimaad aan dalka wax looga qabankarin.

Tirada Dadka la qaaday ayaa dhan 14 qof , waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya sida ay shaaciyeen dadkaasi waxaa lagu soo daweyn doonaa dalka Sacuudiga.

Agaasimaah Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf oo ka mid ah guddi loo xilsaaray dhaawacyadda aan dalka wax looga qabankarin ayaa Saxaafadda u sharaxay dadka laga qaaday Muqdisho Maanta.