Magalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka furmay Shirka sanadlaha ah ee guddiga Fulinta SOMA oo ay ka qeyb galayaan ergooyin ka kala socda Muqdisho, KGS, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug.
Shirka oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa looga hadlayaa horumarka iyo caqabadaha shaqada SOMA, horumarinta Barnaamijka Wadaag oo laga baahiyo dhammaan xarumaha kumideysan SOMA, Bedqabka iyo hormarinta xirfadda Suxufiyiinta.
Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed SOMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa kawarbixiyey horumarka ay sameeyeen xarumaha kumideysan SOMA, tababarka shaqaalaha iyo bedqabka Qalabka xarumaha.
Axmed Maxamed Cali (Caanogeel) madaxa u qareemidda SOMA ahna agaasimaha Idaacadda Codka Nabadda ee Gaalkacyo ayaa kahadlay waxqabadka SOMA ee guud ahaan Puntland.
Agaasimaha Idaacadda Warsan ee Magalada Baydhabo Hillaal Sheekh Shucayb ayaa kawarbixiyey heerka Shaqada saxaafadda ee guud ahaan Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddiga Fulinta SOMA ayaa welwel badan ka muujiyey shaqada ururada Shaqaalaha Warbaahinta, habka ay u dhismayaan iyo sida ay u sii badanayaan, iyada oo tayadu hooseyso hayeeshee Khilaafku ku sii badanayo.
Guddiga Fulinta SOMA ayaa uga hadlay shirkiisa sanadlaha ah sida aanay ururada shaqaalaha Warbaahinta ee sii badanaya uga turjumeyn tayeynta iyo hagaajinta xirfadda iyo Qalabka Shaqaalaha Saxaafadda.
Sidaas oo kale Shirka ayaa hoosta la xariiqay in kala qaybsanaantu tabarta iyo Nuxurka kaqaadeyso Ururada shaqaalaha Warbaahinta, iyada oo ay adkaaneyso in la taageero horumarinta shaqaalaha Warbaahinta marka ay jiraan Ururo badan, kala qaybsan islamarkaana aan si dhab ah uga jawaabi karaan baahida shaqaalaha Warbaahinta.
Guddiga Fulinta SOMA waxa uu ka soo saaray Kulankiisa soo jeedin kusaabsan in dhammaan madaxda ururada shaqaalaha Warbaahintu ay fahmaan in kalaqaynsanaanta jirta aan lagu gaari karin guulo waaweyn oo ay gaarto Saxaafadda Soomaaliya.



