Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa maanta Bilowday tartan Qur’aan Akhris ah oo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 70 arday oo kunool Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.
Ardayda ka qeyb galeysa tartanka ayaa ku tartamaya 30-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah , waxaana ay isugu jiraan wiilal iyo Gabdho.
Tartankaan ayaa waxaa maalgalinaya Xarunta Ibnu Qayim Aljowsi oo looga bartay isku daweynta Qur’aanka Kariimka ah.
Tartanka ayaa socon doona Muddo dhan 3 Bilood ayaa waxaa furay Agaasimaha guud ee Iddaacadda Risaala Maxamed Cabdiwahaab Cabdullaahi oo sheegay in tartankaan loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta Ardayda Soomaaliyeed ee dhanka Qur’aanka Kariimka ah.
Agaasimaha ayaa sheegay in Barnaamijkaan inta uu socdo uu dhiirigalin u yahay dadka xifdisan Qur’aanka Kariimka ah ee dhalinyaradda ah, Maadaama ay heli doonaan Abaalmarino markuu dhammaado tartanka.
Maxamed Cusmaan Ibraahim iyo Cabdiqaadir Cabdulwahaab Aadan oo ah labo wiil dhalinyaro ah ayaa maanta ka qeyb galay tartanka, waxaana la qaban doonaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.







