Isbedel lagu sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan G/Shabeellaha Dhexe

Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hir-Shabeelle ayaa isbedel ku sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay Guddoomiye ku xigeenada Gobolka,waxaana sidoo kale uu Magacaabay Xoghayaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.