Xubno kagirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saacadigii la soo dhaafay ay tageen degaanka Cadalle oo hoostaga Magaalada Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug, iyaga oo Gubay Guryo kuyaalla degaankaas.
Guryaha la gubay ayaa waxaa lahaa dad Shacab ah, kuwaas oo uga cararay Abaarta daran ee kajirta degaano katirsan Koonfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.
Sawiro laga soo qaaday Guryaha la gubay ayaa muujinayay in qaarkood ay basbeeleen halka qaarkood uu dabka siweyn u saameeyay.
Deegaanka Cadalle ayaa waxaa tegay qaar kamid ah maleeshiyaadka Macaawisleyda degaanka Bajeela kuwaas oo ka fuliyay howlgal baaritaano ah laguna sugayay Amniga degaanka.
Dhowr jeer ayaa waxaa degaanka Cadalle ee Koonfurta Gobolka Mudug waxaa ku dagaalamay Maleeshiaadka Macaawiisleyda iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo markii isaga baxay degaanka.




