Weeraryahanka reer France ayaa dhaliyay labo gool 12 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan, waxaana qaab ciyaareedka uu ku bilaawday uu ka careysiiy taageerayaasha kooxda Real Madrid.
Mustaqbalka Santiago Bernabeu uu ku leeyahay Benzema waxaa kujira shaki weyn, iyadoo Florentino Perez uu indhaha ku hayo inuu soo iibsado weeraryahan cusub bisha Janaayo.
Sida laga soo xigtay wargeysyada Spain Real Madrid ayaa soo iibsan karta saddex weeraryahan midkood si ay ugu bedesho booska Karim Benzema
Paulo Dybala oo katirsan Juventus ayaa xilli ciyaareedkaan ku bilowday qaab ciyaareed wanaagsan, iyadoo laacibka reer Argentina uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka.
Hadii Dybala diido inuu u dhaqaaqo Bernabeu, Los Blancos ayaa u dhaqaaqi doonta Harry Kane, Weeraryahanka Tottenham ayaa dhaliyay goolal badan xili ciyaareedkaan.
Doorashada seddexaad ee Real Madrid waa Antoine Griezmann, Xiddiga reer France ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu ka tago Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkaan.
Haddaba Yaad u maleyneysaa inuu yahay ninka saxda ah ee ka bedeli kara Karim Benzema shaqada Real Madrid?



