Saddex Ciyaaryahan oo ka maqnaan doona Kulanka Man City & Tottenham

Kooxda Manchester City iyo macalinkeeda Pep Guardiola ayaa xaalad wer-wer kaga jira taam ahaanshaha saddex kamida xiddigaha ugu muhiimsan safkooda kahor kulanka adag ee Premier League qaybta ka ah ee ay toddobaadkan soo dhawayn doonaan dhigooda Tottenham.

Saddexda xiddig ee madax-xanuunka kusii ridaya Pep ayaa kala ah kabtanka kooxda ee Fernandinho, khadka dhexe ee Rodrigo Hernandez iyo waliba daafaca gabi ahaanba bedelay safka dambe ee kooxdaas ee Ruben Dias.

Dias iyo Fernandinho ayaan lagu darin safka xiddigaha City ee xalay guusha 3-1 ka ah kasoo gaadhay Swansea City halka Rodri bedel lagu saaray daqiiqadii 72-aad ee kulanka.

Guushaas ayaa ka dhignayd midii 15-aad ee xidhiidh ah ee ay Sky Blues gaadhaan tartamada oo dhan balse Guardiola ayaan hubin haddii ay saddexleydaasi diyaar u noqon doonaan kulankooda Tottenham.

“Anigu lamaan hadal Rodri laakiin dhakhtarku waxba iima sheegin sidaas darteed waxaan ku rajo weynahay inuu taam yahay, saacadaha soo socda ayaanu arki doonaa” ayuu yidhi Guardiola.

Pep ayaa isaga oo ka hadlaya Dias yidhi “Ruben xumad ayuu lahaa walina dhib ayuu caloosha ka qabaa, taas ayay ahayd sababta uusan shalay u tababaran maantana waanu soo safarnay”