Horyaalka Spain ee La Liga oo 92 sano jirsaday

Maanta oo kale 1929 ayaa kulankii ugu horreeyey, waa mid ka mid ah tartamada kubada cagta ee dunida loogu xiiso badan yahay isla markaana ay soo mareen iminkana ka ciyaaraan laacibiintii aduunka ugu caansanaa.

Kooxda Real Madrid ayaa haysata koobabka ugu badan ee horyaalka oo waxay ku guuleystay 34 mar.

Lionel Messi waa ciyaaryahanka goolasha ugu badan ku dhaliyey horyaalkaasi oo wuxuu dhaliyey 457 gool 504 kulan oo uu ka ciyaaray La Liga-ha.

Andoni Zubizarreta waa ciyaaryahanka ugu safashada badan oo wuxuu ciyaaray 622 kulan